Allbanaadir.com
NEWS

Meydka wiil dhalinyaro ah oo saaka lagu arkay Magaalada Muqdisho

Wiil yar oo da’ ahaan lagu qiyaasayo 15 jir ayaa saaka lagu arkay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay baddu soo tuftay meydkiisa xala.

Wiilkan ayaa cid aqoonsato la waayay, qoyskiisana nolol iyo geeri meel kuma oga

Dadweyne fara badan ayaa saaka goobtaas iskugu soo ururay si ay aqoonsadan wiilkan balse illaa hadda ma jirto cid  garatay

Wiilkan oo sida muuqata baddu ay qaaday ayaa meydkiisa maro lagu daboolay inta laga helayo eheladiisa.

Dad fara badan ayaa maalmaha khamiista iyo Jimcaha u dabaal taga xeebta Liido ee  magaalada Muqdisho kuwaasoo qaarkood ay baddu qaado sababo la xiriira, iyagoo aan aqoon badan u laheyn dabaasha.

Related posts

RW Rooble oo shaaciyey labo qodob oo looga hadlayo shirka Golaha Wadatashiga

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay xaalada ka taagan magaalada Baydhabo

Cabdi Cade

Puntland oo iska fogeysay eedeymo culus oo kaga yimid Somaliland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---