Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka al-shabaab iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka.
Madaxweynaha oo ka jawaabay su’aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen ladagaallanka Khawaarijta ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed oo mideysani ay ku doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan al-shabaab, qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo argagixisada.
Xassan Shiikh ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay qorsheyaal muddo dheer laga soo shaqeyayney oo ay dooneyso inay ku guuleysato shanta bilood ee soo socota. kuwaasoo uu ka mid yahay in dalka laga xorreeyo Al-Shabaab.
“Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isugu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”.
Waxa uu xusay in dowladda ay sidoo kale wax ka beddeshay xeeladihii hore ee diiradda lagu saarayey qabsashada magaalooyinka, ayna hadda u weecatay in al-shabaab laga xorreeyo dhulka fog ee baadiyaha iyo keymaha, si aysan u helin fursado ay gadaal kaga soo weeraraan ciidanka dowladda.
“Raggan wadahadal ma ogola. Dowladda Soomaaliya anigoo madaxweynaha ka ah ayaa intaas oo jeer baafiyay oo dhahay cafis ayaa tihiin, welina cafiskaas waa furan yahay” ayuu yiri Xassan Shiikh.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay jirin sabab ay dowladdu u diido wadahadal ay la gasho Alshabaab, si loo joojiyo dilka ay geysanayaan iyo midka dowladdu u geysanayso.
Xasan Sheikh wuxuu caddeeyay dowladdiisu inay soo dhoweynayso cid kaste oo ka tanaasusha mabda’ Alshabaab. Wuxuu u ballanqaaday inay dowladdu siin dooto xuquuqda ay leeyihiin, si lamid ah muwaadiniinta kale.