Allbanaadir.com
NEWS

ECOWAS oo go’aamisay talaabo culus oo ka dhan ah Milateriga Niger (Sawirro)

Ururka dalalka Afrikada Galbeed ee ECOWAS ayaa sheegay iney diyaar u yihiin inay faragelin milatari ku sameeyaan dalka Niger haddii ay fashilmaan dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in looga laabto afgembiga halkaas ka dhacay, sida uu sarkaal sare u sheegay taliyeyaasha ciidamada oo ku shirsanaa Ghana si ay uga wada hadlaan xaalada Niger.

Saraakiisha militariga Niger ayaa xilka ka qaaday Madaxweyne Maxamed Bazoum 26-kii bishii July, waxayna ka dhaga adeygeen baaqii Qaramada Midoobay, ECOWAS iyo quwadaha reer galbeedka ee ahaa in dib loogu soo celiyo shaqadiisa, taasoo keentay in madaxda dalalka Galbeedka Afrika ay amar ku bixiyaan in la isu keeno ciidamada heeganka ah.

“Qofna yuusan shaki gelin haddii wax walba ay fashilmaan, ciidamada geesiyaasha ah ee Galbeedka Afrika waxay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan baaqa waajibaadkooda,” ayuu yiri Guddoomiyaha ECOWAS ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga Abdel-Fatau Musah.

“Sida kasta oo la heli karo, waxaa dalka dib loogu soo celin doonaa nidaamka dastuuriga ah,” ayuu u sheegay madaxda Gaashaandhigga ee dalalka xubnaha ka ah, isagoo tusaale u soo qaatay ciiodamadii ay ECOWAS u dirtay dalalka Gambia, Liberia iyo meelo kale.

Niger waxay leedahay muhiimad istaraatiijiyadeed oo ka baxsan Galbeedka Afrika sababtoo ah doorka ay ku leedahay xudunta u ah ciidamada shisheeye ee ku lug leh dagaalka ka dhanka ah islaamiyiinta gobolka Saaxil iyo uranium-ka iyo kaydka saliida.

Wadamada reer galbeedka ayaa ka cabsi qaba in ciidamada milatariga ay raacaan hogaanka dalka ay jaarka yihiin ee Mali, halkaasoo ay dowladii militariga eriday ciidamada Faransiiska, taas badalkeedana lagu casuumay calooshood u shaqeystayaal ka tirsan kooxda Wagner ee Ruushka oo soo dhaweysay afgambiga Niger.

Caasimadda Niger ee Niamey, ayaa dad badan waxay ka qaybqaateen mudaaharaadyo looga soo horjeedo ECOWAS laguna taageeray hoggaamiyeyaasha afgambiga sameeyay, dadku waxay diideen fikradda faragelin dibadda ah oo lagu soo celinayo madaxweynaha la doortay iyo dawladda rayidka ah.

“Ma baqayo sababtoo ah waxaan ogahay in ciidamadeena qalabka sida ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen inay la tacaalaan xaalad kasta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Niger.

“ECOWAS waxaa maamula quwado shisheeye, marka aan aragno falcelinta Faransiiska tan iyo afgambiga iyo gaar ahaan qallafsanaanta ECOWAS waxaan u malayn karaa oo kaliya in kuwani ay yihiin ficillo la isku duway oo u dhexeeya Faransiiska iyo ECOWAS,” ayuu yidhi, isaga oo ku celcelinaya hadallo liddi ku ah Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad diyaaradeed oo miisaameysa culeyska qofka inta uusan raacin diyaaradda !

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Cagjar iyo Taliyaha Ciidanka Somaliland?

Caydiid Ali

Cabduqaadir Arwaax oo Shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu hayay kana hadlay Sababta

Cabdi Cade