Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo soo dhameystira baarista Isla-markaana warbixin ka soo diyaariya xaalada ka jirta xabsiyada dalka iyo maxaabiista ku xiran.
talaabadan ayaa timid ka dib markii dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya uu dood adag ka yeeshay xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho, laba toddobaad kaddib markii taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliya, Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu qaylo-dhaan ka soo saaray maxaabiis gar sugayaal ah oo ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho muddo ka badan 10 sannadood.
Hadalka taliyaha ayaa yimid maalmo ka dib markii isla xabsigaasi ay booqdeen Guddiga Xuquuqal-Insaanka, Haweenka & Arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya si ay usoo eegaan xaalada xuquuqul insaanka ee ka jirta xabsiga.
Taliye Mahad ayaa carrabka ku dhiftay in maxaabiista ku xidhan xabsiga dhexe ay mudan yihiin in ay helaan caddaalada ugu horeysa ee ay fuliyaan ha’adaha garsoorka dalka, isaga oo ku baaqay in hay’adaha garsoorka dalku ay dhex yimaadaan xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga xuquuqal-Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada Xildhibaan Xaawo Cali Sokor ayaa sheegtay in ay ku soo arkeen xabsiga dhexe marxalado kuwan duwan oo isugu jira kuwa u baahan garsoor madax-banaan, xuquuqul insaan iyo kuwo arrimo bulsho.
Xildhibaanad Xaawo ayaa sheegtay in xabsiga dhexe ee Muqdisho ay wakhti xaadirkan ku xidhan yihiin dad gaaraya ilaa 1,338 (Kun, saddex Boqol, Sodon iyo Sideed) qof.
Guddida isku-dhafka ah ee baarlamaanka oo ka koobnaa 5 (shan) xubnood oo 1dii Agoosto 2023 booqday xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa sheegay in waxa ugu horeeya ee ay la murugoodeen ay tahay in Xabsiga Dhexe oo loogu talo-galay in lagu hayo 900 oo maxbuus uu hadda la ciirciirayo maxaabiis gaaraysa 1338, taas oo muujinaysa in xabsigu uu buux dhaafay isla markaana ay ka dhalatay ciriiri iyo xaalado kale oo bani’adanimo.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA