Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Muuse Biixi waxaa la gudboon inuusan Somaliland dagaal sokeeye gelinin”

Inkastoo Senator Dubbe uu digniinta ka dhigayey mid fariinteedu ku socoto Madaxweynaha Soomaaliya, haddana waxaa muuqatey in halista intaas la’eg ee uu ka digayey aysan ka jirin Soomaaliya, balse ay tahay maamulka Somaliland mida qarka u saaran burburka dowladnimo oo uu walaaca ka muujinayey, waana taas mida dhalisay inuu si abwaanimo xeeladeysana uu hadal sarbeeba uu ugu gudbiyo madaxda iyo shacabka Somaliland, meesha uu duur-xulkaas u dhexmarsaday hadal si qaawan ugu muuqdey inuu ku taageerayo madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxda maamuleysa dowladda Somaliland waxey wajahayaan culeysyo siyaasadeed oo wakhtigii ku haboona xalintooda laga soo gudbey, kuwaas oo ay ahayd wakhtiga bilowga mudo xileedka madaxweynaha in dadaal loo galo xalintooda, balse aysan munaasab ahayn dhamaadka mudo xileedka madaxweynaha in lagu baraarugo halista ay leedahay murugada ka dhalatay iska indhotirka wakhtigii ku haboonaa inaan xil la iska saarin gudogalka hawlahaas u baahnaa wakhti hore in xalkooda wax laga qabto si aafooyinkooda looga badbaado wakhti dambe.

Burburka ku yimaada dowladda Somaliland ma ahan mid saameyn weyn ku leh madaxweynaha, balse ay tahay mid halisteedu ay ku dul habsaneyso shacabka Somaliland oo waayi doona adeegyadii nabad ku wada noolaaashaha amniga, ismaamulkii dimoqaradiyadeed, difaaca guud oo isku hayey wadajirka dadka, dalka, iyo dowladda oo meesha ka baxaya, shacabka oo magangelyo ugu qaxaya deris iyo degaano aan laga jecleyn Somaliland, dagaal sokeeye oo dhexmara dadkii ehelka isku ahaa, wadaado xagjira oo cabsigelin dadka ku argagixiya, xoriyada dadka iyo madaxbanaanida haweenka oo meesha ka baxda, iyo boob loo geysto dhulalka, kheyraadka, iyo hantida dadweynaha oo shisheeyaha deriska iyo kuwa deris xigeenka ay kawada qeybqataan iyagoo heshiisyo qabaliya kula wareegaya Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku saxsanaa tilaabo kasta oo ay dowladiisu awoodey iney ka qaado sidii Laascaanood aysan uga bixin wadajirka dhuleed oo ay milkiyadeeda iska leedahay Somaliland, balse hogaanka Somaliland wuxuu ku qaldamay inuu dhegaha ka fureysto talowadaaga ay mudnaanta u lahayeen siyaasiyiinta ka soo jeeda shacabka sida dhabta ah udub dhexaadka ugu ah jiritaanka Somaliland oo si nabadgelyo ah u dalbanayey in wadatashi lagala yeesho arrimaha masiiriga ah ee shacabka Somaliland, taas oo garawshiyaheeda shacabka Somaliland ka badbaadin karta hoobashada ay ugu socoto dagaal sokeeye.

Guurtida Somaliland waa wakiilo dhaqameed loo curiyey nabadeynta bulshooyinka kala duwan ee shacabka Somaliland, balse hadda u muuqda iney u xuubsiibteen iney la wareegaan doorkii siyaaasadeed oo ay lahayeen siyaasiyiinta Soomaaliland, iyagoo weliba si aaan waafaqsaneyn awoodooda dhaqan ku tilaabsaday iney madaxweynaha Somaliland u sameeyaaan mudo kororsi sharcidaro ah, iyaguna ay sameystaan si taas la mida, waxeyna tilaabadaas ay horseedeysaa siyaasiyiinta mucaaradka oo tiradoodu ay sii xoogeysato iyo siyaasiyiinta muxaafadka oo qaaar ka mida ay ku qanci waayaan sida madaxda dowladdu ay wax u maamuleyso, wadajirkooduna ay ka dhalato iska caabin xoogan oo aan si fudud lagu muquunin karin.

Madaxweynaha Somaliland waxaaa la gudboon inuusan dalka gelin dagaal sokeeye oo ay ehelka walaalaha ahi ay dhiig micnodaro ay isaga daadiyaan, taas oo aan marna xal u noqoneyn caqabadaha siyasadeed ee hadda ka taagan Somaliland, waxaana haboon meesha uu hiilo qaldan uga raadsanayo odeyaasha dhaqanka inuu taas bedelkeeda wajaho siyaasiyiinta ka soo horjeeda, lana gaaaro heshiis meel dhexe la isugu yimaado oo dhinacyadu ay ku wada sameeyaan tanaasul loogu daneynayo in burbur laga badbaadiyo dowladnimada Somaliland, haddana lagu muujiyo biseyl siyaasadeed oo lagu dabaqabanayo xaalada murugeysan ineysan noqon mid la xakameyn waayo.

Xalka Somaliland wuxuu ku jiraa in dulqaad iyo sabir looga wada gudbo caqabadaha ay abuurayaan maleeshiyaaadka hubeysan oo tabashooyinka siyaasadeed u gadoodsan, kuwaas oo aan ahayn qowleysato gooni goosada, waxaana la gudboon madaxda Somaliland iney sida ugu dhaqsiyaha badan ay heshiis wadatashiya ula galaan siyaasiyiinta Somaliland oo kala ah mucaarad, muxaafad, iyo meel dhexaaadba, heshiiskaas oo lagu qeexayo geedi socodka lagu qabanayo doorashooyinka la isku wada raaacasan yahay, taas oo ay macquul tahay iney keento mudo kordhin kooban oo ku timaada qaab farsamo oo madaxda mudo xileedkoodu dhamaaday aysan awood badan ku lahayn xiliga kalaguurka.

In kasto Mr. Dubbe uu kula taliyey madaxda iney qaataan tuutaha, shacabkuna galaan dagaal looga hortegayo cadowga caqabadaha ku ah dowladnimada Somaliland, taas oo haddii ay dhacdo horseedeysa dagaal sokeeye iyo dhiig badan oo ku data, kaas oo laga baaqsan karo, waxeyna taas ay Somaliland uga dhigan tahay xukun ambaqaada mariin kelitalisnimo oo ugu dambeysta burbur ku keena ismaamulka Somaliland ee dimoqaraadiyada ku dhisan oo meel fog laga keenay 32 sano ka hor, waxeyna guul iyo gobonimo ay ku jirtaa in Somaliland ay yeelato doorashooyin dhaca inta ka horeysa sanadguurada ay ugu dabaaldegeyso xuska 18ka May, balse aysan taasi noqon tii ugu dambeysey oo ay Somaliland ku burburto.

Soomaaliya waxey wanaag u aragtaa midnimada iyo wadajirka dadka, dalka, iyo dowladda Somaliland, waxeyna Somaliland u ahayd Soomaaliya tusaale wanaagsan oo ay nabada iyo isku maamulka dimoqaradiyada ay uga dayato, waxeyna sidoo kale tilmaan muuqata uga dayaneysey xilalka meertada ah oo sida nabadgelyada leh la isugu wareejinayey, taas oo suno ku dayasho wanaagsan ka dhigtay isbedelada siyaaasadeed ee ka dhacayey Somaliland, waxeyna isku dayashadaas ay iftiimisay in shacabka Soomaaliya iyo kan Somaliland ay siyaasad ahaan wadaagaan habdhaqan isku soo dhoweynaya isfahamkooda iyagoo kala madaxbanaan.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Sheikha Latifa oo mudo dheer kadib Sawiradeeda la arkay iyo hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

Wasiirka Difaaca oo shaaciyay in Soomaaliya ka gudubtay marxalad ay soo martay

Cabdi Cade

Banaan bax lagu taageerayay Farmaajo laguna diidanaa Axmed Madoobe oo la dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade