Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay geerida abwaan Jaamac Kadiye oo lagu dilay duqeyn ciidamada maamulkiisu ka geysteen magaalada Laascaanood shalay gelinkii dambe
Muuse Biixi Cabdi ayaa dhimashada Abwaan Jaamac Kediye ku tilmaamay “geeri culus oo naxdin leh.
Waxaa uu sheegay in waxa la gudboon Soomaalida ay tahay inay abwaanka u duceeyaan.
Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa cambaaraysay dilka loo gaystay Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in dilka Abwaanka ay ka dambeeyeen wax loogu yeeray kooxaha Aragagixisada ah ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxay sheegeen in qolyahani ay ku shaqeeyaan inay khaldaan ra’yul caamka iyagoo adeegsanaya qas, cabsigelin iyo marin habaabin.
Waxay farta ku fiiqeen inay dilka ka dambeeyaan 3 qolo oo kala maleeshiyaad huwan ah, kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Puntland.