Allbanaadir.com
NEWS

Muslimiin carreysan oo gubay Kaniisado iyo guryo badan oo kuyaalla magaalada Jaranwala

Muslimiin ka carreesan xad-gudub lagula kacay nuqulo kamid ah kutaabka Qur’aanka Kariimka ayaa dab qabadsiiyay kaniisado iyo guryo badan oo kuyaalla magaalada  Jaranwala ee dalka Pakistan.

Labo nin oo masiixiyiin ayaa la sheegay in gudaha dalka Pakistan ku jeex jeexeen bogag kutaab Qur’aan, waxaana falkaasi ka dhashay carro xooggan oo sababtay in la gubo kaniisado iyo guryo ay degan yihiin dad u badan masiixiyiin.

Kaniisadaha la gubay ayaa waxaa ku jira kaniisada taariikhi ah ee Salvation Army, waxaana kaniisadaasi la sheegay in wali qeybo kamid ah qiiqeyso, waxaana socda dadaalo ciidamada dab-damiska ku daminayaan.

Ciidamada ammaanka dalka Pakistan ayaa xabsiga dhigay in ka badan 100-qof oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin rabshdaha lagu gubay kaniisadaha iyo guryaha, waxa ayna ciidamada wadaan dedaalo ay uga hortagyaan rabshado kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah faahintii Ugu Dambeesay Gudoomiyeyaal degmo & Masuuliyiin kale oo ku dhintay Qaraxii Maanata ee Muqdisho !!

admin

Maxaa ka jira wararka sheegaya shil dayuuradeed oo ka dhacay gudaha dalka?

Caydiid Ali

Kheyre oo Ganacsato kula kulmay magaalada Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---