Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Waxbarashada oo isbadal ku sameysay nidaamka Waxbarashada Jaamacadaha dalka

Wasaaradda Waxbarashada  xukuumadda Soomaaliya ayaa isbadal cusub ku sameesay nidaamka waxbarashada ee Jaamacadaha dalka gaar ahaan sanadaha iyo maadooyinka lagu dhigto.

Qoraal kasoo baxay wasiirka waxbarashada ayaa lagu shaaciyay in laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dhammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed laga rabo inay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada e asaasiga ah, waa inuu ka mid noqdaa Afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking).

Related posts

Taliyaha Booliska oo digniin soo saaray & gaadiidka shabaqlaha oo jidadka Muqdisho la soo dhigay

Caydiid Ali

Taliban oo caro xoogan ka muujisay amar uu soo saaray Madaxweyne Joe Biden

Caydiid Ali

Sheekada Farmaajo ayaa guri Shacabka uga dhisayaan magaalada Muqdisho !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---