Hay’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed oo ka duuleysa kahor-taga alaabaha aan tayada laheyn iyo kuwa dhacay ayaa soo saartay ammar ku socda ganacsatada iyo dadka kale ee dekadda iyo garoonka alaabaha kala soo dega.
Qoraal kasoo baxay hay’adda tayadhowrka ayaa shirkadaha,Ganacstada , hay’addaha caalamiga ah iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee alaabaha lasoo dega la faray in ay layimaadaan shahaadada waafaqsanaanta ee hay’adda Taya-dhowrka.