Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo lacag siiyay kana farxiyay arday kasoo jeeda Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa abaal-marino lacageed guddoonsiiyay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Dusgiyada Sare iyo dhexe oo kala ah.

Ardaydan uu madaxweynaha Jubbaland abaal-marinada siiyay ayaa kaalmaha sare ka galay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ee dalka oo dhan iyo sidoo kale imtixaanka dugsiga dhaxe ee deegaannada Jubbaland .

Ardayda abaal-marinada la siiyay ayaa kala ah

Deeqa Maxamed Cabdullahi oo kaalinta koobaad ka gashay Imtixaanka Dugsigada Sare ee dalka.

Muuse Maxamed Xasan oo kaalinta Sadexaad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka.

Shamso Xuseen Siraat oo kaalinta Afraad ka gashay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka.

Iqra Haashim Nuur oo kaalinta koobaad ka gashay Imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Jubaland.

Khadar Cabdinuur Cabdirashiid oo kaalinta labaad ka galay Imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Jubaland.

Shukri Cabdi Bulaale oo kaalinta sadexaad ka gashay Imtixaanka Dusgiyada dhexe ee Jubaland.

Kulankan Madaxweynaha uu abaal marinada ku gudoonsiinayay Ardayda ayuu Madaxweynahu ka balan qaaday in uu bixinayo deeq Waxbarasho oo ay helayaan dhammaan Ardaydan isagoo sheegay in Dowladu ay ku bogaadinayso guusha ay gaareen.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo dhammaan howlwadeenada Wasaarada ee juhdiga badan galiyay sidii guushan ay usoo hoyin lahayeen Ardayda iskuulada kala duwan ee Jubaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoos u dhac weyn oo ku yimid kiisaska cudurka Coronavirus ee gudaha Somalia

Caydiid Ali

Maraykanka oo labo todobaad u qabtay Turkiga & Xiisada labada dal oo ka sii dareysa

Caydiid Ali

Wasiirka Warfaafinta Lubnan oo digniin telefon ka helay Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---