Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Ciidanka Xoogga dalka oo ka hor tagay gaari qaraxyo laga soo buuxiyey

Ciidamada xoogga dalka ayaa gubay gaari nuuca Layla Calaawi ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaasoo uu waday nin ka tirsan kooxda Alshabaab oo doonayey inuu isqarxiyo.

Wararka ayaa sheegaya in Howlgalka lagu gubay gaarigan uu ka dhacay degaanka Xuseen-Cagey oo hoostaga Magaalada Mesegawaa ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in hawlgalkan uu yimid ka dib markii ay heleen warbixin sirdoon, taasoo sababtay in lagu guuleysto ka hortago gaarigan qaraxyada laga soo buuxiyey ka hor inta uusan gaarin bartilmaameedkii loo waday oo illaa hadda aan la ogeyn.

Arrintan ayaa ku soo aaday xilli ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay bilaabeen duulaanka lagu xoreynayo degaanada bariga gobolka Galgaduud.

Related posts

Xisbiga Jamhuuriga oo bilaabay qorshe xilka looga xayuubinayo Madaxweyne Biden

Caydiid Ali

Afar dowlad goboleed oo ka soo horjeestay sharci ay wado dowlada Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War cad ka soo saartay heshiiskii lagu qeybsaday dekeda Berbera (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---