Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo Maalmaha socda iska dhiibaya xabsiga Fulton County ee Atlanta (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa maalmaha soo socda isku dhiibaya doona booliiska gobolka Georgia.

Waxaa lagu wadaa inay saacado kooban qaadato muddada uu la joogaayo waaxda caddaaladda dembiyada si ka duwan dadka kale.

Maamulka gobolka Georgia ayaa ku dhawaaqay in Mr. Trump iyo 18-ka kale ay iska diiwaan gelinayaan Xabsiga Fulton County ee Atlanta ka hor inta uusan tagin maxkamadda.

Wuxuu Trump ku qasban yahay inuu 25 August iska xaadiriyo maxkamadda si uu u wajaho eedeymaha ah inuu isku dayay inuu isdaba mariyo natiijada doorashadii 2020 ee gobolka ka dhacday.

khubarrada ayaa sheegaya inaan loola macaamili doonin sida dadka kale ee xabsiyada adag ku xirnaada muddo toddobaadyo ah, bilooyin amaba xitaa sanado iyagoo sugaya maxkamadeyn.

Xabsigan ayaa waxaa ka jira xaalado nadaafad-darro oo horseeday inuu ka dillaaco xanuunka safmarka ah ee Covid-19, Injir gashay maxaabiista iyo dhibatooyin kale, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta Koofureed ee Xuquuqda Aadanaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin laga bixiyey qarax lagu qaarajiyey Xoghaye Abuukar Jawiin Caddow

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo ka soo horjeesatay doorasho ka dhacday Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali

Hal Wadan oo shalay kaliya dad ku dhaw 2-kun qof ugu geeriyoodeen Caronavirus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---