Madadxweyne ku-xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta degmada Doolow ka daahfuray Shirweynha Horumarinta Amniga iyo Maamul Wanaaga Gobolka Gedo.
Shirkan waxaa ka qayb galaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka JFS, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, Maamulka Gobolka Gedo iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Gedo.
Shirkan ayaa waxaa inta badan lagu lafa gurayey Maamul wanaaga iyo Hormarinta amniga, Waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedaraalka iyo Dib u heshiisiinta Jubbaland.
Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayey shirkaas ayaa ku eedeeyey Ciidamada ATMIS inay bilaabeen istaraatijiyad ay ku fashilinayaan qorshaha ay DF Somalia kula dagaallamayso Shabaabka oo laga xoreeyey degaanno badan.
Wuxuu xusay in dhulalka maamullada K/Galbeed iyo Jubaland ay ka baxayaan ATMIS iyadoo aan la diyaarinin ciidankii Soomaaliyeed ee bedeli lahaa, taasoo keentay inay Shabaabku qabsadaan meelaha ay ka baxaan qaarkood.
Wuxuu ciidamada ATMIS ugu baaqay inaysan ka bixin xeryohooda iyadoo aan la helin ciidankii Soomaaliyeed ee bedeli lahaa.
”Horay waxay uga bexeen Gerilley oo dadkii lagu dhibaateeyey, bishanna meelo kale ayay ka bixi rabaan. Marka iyadoo dhinac howlgal ka socdo waa inaysan dhinac kale Shabaabka ka dhiirrigelin.” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo ku baaqay in dib loo dhigo bixitaanka ATMIS.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo jeediyey in dagaalku uu ku fiican yahay in hal mar gees ka gees laga bilaabo halkii marba dhinac laga bilaabi lahaa.