Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Saleymaan oo soo bandhigtay ciidan la dagaalamaya Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Fedraalka ah iyo Dowlad-goboleedka Galmudug oo kasoo jeeda beesha Saleemaan maanta kormeeray ciidamada difaaca dadka deegaanka, kuwaas oo isku diyaarinaya in ay ka qaybgalaan dagaalka Al Shabaab looga xoreynayo Galgaduud.

Masuuliyiintaan oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan {Joon} iyo xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Galmudug iyo maamulka degmada Baxdo ayaa ilaa afar goobood oo kala duwan ku booqday ciidamada shacabka deegaanka ee macawislayda ,kuwaas oo isku soo abaabulay ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Maeuuliyiinta katirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada ujeediyay dhiirigalin iyo dar-daaran ku aaddaan halganka looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab.

Deegaannada Galmudug gaar ahaan gobolka Galgaduud waxaa hadda ka socda abaabul xooggan oo lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro gobolka Galgaduud.

Related posts

Daawo: Xog cusub oo laga helay Weerarkii Elite Hotel & Villa Somalia oo War soo saartay

Caydiid Ali

Yaa iska leh Eeda Guul Darradii soo gaartay Xulka Qaranka Soomaaliya ?

Cabdi Cade

Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---