Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo kusii siqaya Wabxo iyo Wararkii Ugu Dambeeyay (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgalo ka sameeyay deegaanno u dhaxeeya deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ciidanka xoogga dalka ka wadaan xadka u dhaxeeya Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha guutada Khaalid Bin Waliid Gaashaabnle Ismaaciil Cabdimaalik, waxaana ciidanka howlgalka ku wehliya ciidamo katirsan ATMIS.

Ciidamada huwanta ah ayaa intii ay howlgalka wadeen waxa ay waddooyinka ka saareen miinooyin badan oo Al Shabaab dhigeen, waxa ayna wali ciidamada wadaan howlgalka ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deegaanka Wabxo.

Saraakiisha ciidanka horkaceysa ayaa sheegay in ay kusii dhawaanayaan deegaanka Wabxo oo saldhig weyn ku leeyihiin Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha sheegeen in saacadaha soo socda gaari doonaan goobaha Al Shabaab joogaan.

Howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga sarayo degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga ayaan wali si rasmi ah bilaaban, waxa ayna ciidamada kusii siqayaan iyaga oon dagaal badan gelin goobaha Al Shabaab joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Magacaabay taliyaha cusub ee NISA iyo Fahad Yasin oo xil cusub loo dhiibay

Caydiid Ali

Dal Muslim ah oo sameesanaya Gantaalada Xambaara Nukliyeerka oo Mareykanka …

Cabdi Cade

Dalalka Galbeedka dadkooda ku wargeliyey inay deg deg uga soo baxaan Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---