Waxaa shalay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu soo bandhigay ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaa oo ka qeyb qaadanaya howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.
Xildhibaanno katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan ,siyaasiyiin iyo odayaal dhaqmeed ayaa ciidankan oo kasoo jeeda beesha Murusade shalay kasii sagootiyay degmada Dayniile oo loogu sameeyay qado .
Ciidamadan iyo hubka ay wataan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalka dowladda Soomaaliya hormuudka u tahay ee la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga.
Xildhibaannadii ku sugaa goobta ciidanka laga sagootinayay ayaa sheegay in ciidankan ay ku biirayaan ciidamo kale oo horey ugu sugnaa jiida dagaalka, waxa ayna xuseen in ciidankan hubka u qaateen sidii dadkooda uga xureyn lahaayeen Al Shabaab.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya ciidamada deegaanka ayaa bilaabaya howlgal dhowr jiho ah oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada iyo degmooyinka a ka joogaan bariga gobolka Galgaduud.