Allbanaadir.com
NEWS

Tahriibayaal booyad shidaal lagu soo dhax qariyay oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada ammaanka dalka Tanzaania ayaa gacanta ku dhigay booyad nuuca shidaalka lagu qaado ah oo lagu soo dhax qariyay Tahriibayaal Itoobiyaan ah, kuwaa oo kusii jeeday dalka Koonfur Afrika.

Waaxda Socdaalka ee dalka Tanzania ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay 65-muwaadin oo u dhashay dalka Tanzaania, waxaana tahriibayaashan oo loo waday magaalada Tunduma hadda ku xiran yihiin xabsi ku yaalla tuulada Kamsisi oo katirsan gobolka Katavi.

Ciidamada ammaanka dalka Tanzaania ayaa sidoo kale xabsiga dhigay afar muwaadin oo u dhashay dalka Tanzania uu ku jiro darawalkii booyada, kuwaa oo iyana lagu soo eedeeyay tahriibin sharci darro ah.

Dalka Tanzania waxaa marin u ah oo inta badan loo isticmaalaa meel ay sii maraan muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka imaanaya dalalka Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya, kuwaas oo intooda badan ku wajahan dalka Koofur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawooyin iyo waxyaabo kale oo maanka-dooriya oo la gubay iyo Madaale oo Digniin diray

Cabdi Cade

Somaliland oo daahfurtay Mashruuc ku kacaya 7.5 Milyan oo dollar (Sawirro)

Caydiid Ali

Ku-sime Lugatoor oo ka farxiyey Maxaabiis ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---