Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabaaldegyo ka socda Afghanistan iyo Maamulka Taliban oo..(Sawirro)

Talibanka Afgaanistaan ayaa maanta u dabaal dagay sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay markii ay dib ugu soo laabteen talada dalkaas, iyagoo u dabaaldegay la wareegitaanka magaalada Kabul iyo aasaaska wax ay ku sheegeen ammaanka guud ahaan dalka oo ku dhisan nidaamka Islaamka.

Ciidamada shisheeye ee Maraykanku hogaaminayay ayaa ka baxay dalkaas ka dib 20 sano oo dagaal aan natiijo lahayn, Taliban waxay soo galeen caasimadda Agoosto 15, 2021, iyadoo ciidamadii ammaanka ee Afgaanistaan loo sameeyayoo dhismahooda uu sannado qaatay ay kala daateen si fudud.

“Sannad-guurada labaad ee ka soo wareegtay qabsashadii magaalada Kabul, waxaan jecelnahay inaan u hambalyeyno qaranka mujaahidiinta (dagaalyahanka barakeysan) ee Afqaanistaan, waxaana ka baryeynaa in ay Alle weyne ugu mahadceliyaan guushaas weyn,” ayuu yiri afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid.

Afgaanistaan waxa ay ku naaloonaysaa nabad aan la arag muddo tobanaan sano ah balse Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay dhaceen tobannaan weerar oo lagu beegsaday dad rayid ah, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen kooxda Daacish ee ka soo horjeeda Taliban.

Dumar badan oo helay xuquuqo iyo xoriyado badan labaatankii sano ee ay xukunka hayeen dawladaha reer galbeedku ayaa hadda markii ay soo noqdeen Taliban galay marxalad adag.

Ammaanka caasimadda ayaa si aad ah loo adkeeyay maanta oo Talaado ah, oo loo aqoonsaday fasax. Dagaalyahannada Taliban, taageerayaasha iyo qaar ka mid ah shacabka magaalada Kabul ayaa isugu soo baxay waddooyinka.

“Maanta waxaan halkan u imid inaan arko xuska sanadguuradii labaad ee Taliban, waxay ahayd maalintii cadowga Afgaanistaan laga saaray dalkeenna, waana sababta aan halkan u imid inaan ku ciidayo” ayuu yiri Sayed Hashmatullah Sadat oo ka mid ah dadka deegaanka.

Waaxyo dhowr ah oo ay ku jirto wasaaradda waxbarashada ayaa sidoo kale qabtay shirar lagu xusayo.

“Hadda markii la sugay amniga guud ee dalka, guud ahaan dhulka dalka waxaa lagu maamulayaa hal hoggaan, waxaa ka hirgalay nidaam Islaami ah, wax walbana waxaa lagu macneeyay dhanka shareecada,” ayuu yiri Mujaahid Afhayeenka.

Related posts

Muuse Biixi & Madaxda mucaraadka Somaliland oo ka wada hadlay saddex qodob

Caydiid Ali

Qarax gaari lagu soo xiray oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

TOOS U DAAWO: Dabaaldega xuska 1-da Luulyo oo ka socda garoonka Konis Stadium

Caydiid Ali
Taboola Ads ---