Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamad ku taalla Somaliland oo 3 bilood ka dib xukun ku riday Bishaaro Baanday

Maxkamad ku taalla Somaliland ayaa xukun 1 sanno oo xarig la iibsan karo ku riday wariye Bushaaro Cali Baanday oo loo haystay eedeymo la xiriiray faafin warar been abuur ah iyo sir Milateri.

Weriye Baanday oo muddo ka badan 3 billood ku jirtay xabsiga Hargeysa ayaa ugu danbayn maanta lagu dhawaaqay xukunka ay maxkamadu ku riday.

“Bishaaro waxa lagu soo oogay kiisas badan oo qaarkood lagu xukumi karo 4, 5 illaa 6 sanno waxa lagu helay laba kiis oo yar yar oo min 6 billood ah, marka laysku geeyo waa 1 sanno oo xarig ay iibsan karto” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada.

“Baanday ayaa ku xirnayd dulmi maadaama lagu waayay dembiyadii waawaynaa ee lagu soo eedeeyay” ayuu yiri masuul ka tirsan ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda saxaafada, waxaana uu dhanka kale u mahadceliyay garsooraha maxkamada oo uu sheegay in uu riday xukun cadaalad ah.

Bishaaro ayaa isla maantaba laga sii daayey xabsiga ka dib markii ay iibsatay xarigii sanadka ahaa ee lagu xukumay

Bishii May ee sannadkan ayaa Baanday laga soo qabtay magaalada Togwajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya, xili ay Somaliland soo galaysay.

Related posts

Fashil lasoo darsay Guddiga Doorashooyinka ee ku xareesan Hotel Decale !!

Cabdi Cade

Burburka Dayax-Gacmeed weyn oo laga digayo inuu ku soo hooban doono dhulka

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo kawada hadlay Iskaashi cusub oo ay yeeshaan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---