Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Trump oo lagu soo oogay dacwado cusub oo ka daran kuwii horey loogu eedeeyey

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale lagu soo eedeeyey dacwad la xiriirta doorashadii dhacday sannadkii 2020-ka ee uu kaga adkaaday madaxweynaha hadda talada haya Joe Biden.

Trump waxaa lala soo eedeeyey 18 qof oo kale oo ay ku jiraan qareenkiisa Rudy Giuliani iyo madaxii shaqalaha Aqalka Cad Mark Meadows.

Eedaha lagu soo eedeeyey Trump waxaa ka mid ah musuq, ku xadgudub dhaartii uu u dhaartay xafiiskiisa, been abuur dokumentiyo iyo eedo kale.

Trump oo Maxkamada ka hadlay ayaa beeniyay dhammaanba eedeymaha loo soo jeediyey oo uu ku tilmaamay kuwa siyaasadeed oo uu ka dambeeyo Madaxweyne Biden.

Xeer-Ilaalaiyaha degmada Fulton Fani Willis ayaa bilaabay baaritaanka eedeymahan bishii February 2021.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu mar kale isku soo taago doorashada soo socota ee Madaxweynaha Mareykanka, iyadoo dacwadaha faraha badan ee ka yaala Maxkamadaha ay saameyn xun ku yeelan karaan ololihiisa doorashada.

Related posts

Miisaaniyadda dowlada ee 2019 Iyo Xisaab Xirka Miisaaniyaddii 2018 oo dib loogu noqonayo iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo u yeertay Safiirada 10 oo soo saaray Qoraal ka careesiiyay

Cabdi Cade

Maxkamadda Ciidamada oo saakay Xukun dil ah ku fulisay labo nin oo Dilal geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---