Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo ka qeyb gashay shirka dalalka ku bahoobay COMESA (Sawiro)

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed oo ay wehliyaan Qabiirka Sharciyadda, Lataliyaha Horumarinta iyo Lataliyaha Jinsiyadda ayaa Dalka Zambia uga qeeyb galay shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Socdaalka wadamada ku bohoobay COMESA.

Shirka waxaa looga hadlayaa dhaqdhaqaaqa xorta ah iyo tirakoobka Socdaalka dadka ee Wadamada ku bohoobay COMESA.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed iyo Agaasimaha guud ee Socdaalka Zambia Dr. Japhet M. Lishomwa, ayaa yeeshay kulan doceed looga hadlay Iskaashiga iyo wadaaga xogta socdaalka ee laba Hay’addood, Sidii wax looga qaban lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Wadanka Zambia iyo In labada Hay’adood sameeystaan Guddi ka sheqeeya isku xirka iyo wadashaqeynta labada Hay’adood.

Ugu dambeyn, Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya ee Zambia Danjire Xaawa Xasan Maxamed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo askar hor leh looga laayey xadka Lubnaan

Caydiid Ali

Dayax Madoobaad saacadaha soo socda laga arkayo meelo ka mid ah caalamka

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo loo diray Masaajid Cali Gaduud iyo Howlgalo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---