Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal culus oo mar kale ka qarxay caasimada dalka Liibiya ee Tripoli (Sawirro)

Laba ka mid ah kooxaha hubeysan ee ugu awoodda badan caasimadda Liibiya ayaa ku dagaalamay Magaalada Tripoli, iyagoo dad rayid ah ku go’doomiyay guryahooda, waxayna sare u qaadday cabsida laga qabo inay sii kordhaan rabashadaha

Khasaaraha ka dhashay iska horimaadka ayaan weli cadeyn balse qeyb ka tirsan saraakiisha Caafimaadka oo lala xiriirinayo wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay inay meyadka saddex qof ay ka soo saareen degmooyinka Furnaj, Ain Zara iyo Tarik Shok.

Wasaaradda caafimaadka ayaa ka codsatay muwaadiniinta inay ku deeqaan dhiig si loo caawiyo dhaawacyada. Usama Cali, oo ah afhayeenka gaadiidka gurmadka degdega ah, ayaa sheegay in 19 qof ay ku dhaawacmeen, 26 qoysna laga soo daad gureeyay degmada ay shaqaaqadu ka dhacday.

Qiiq mugdi ah ayaa dul saran qeybo kamid ah magaalada, waxaana la maqlayaa dhawaqa hubka culculus, sida uu sheegay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo ku sugan magaalada Tripoli.

Dadka deegaanka iyo warbaahinta maxaliga ah ayaa soo sheegaya in dagaalka oo shalay bilowday uu ka dhacay xaafado kala duwan.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo rabshadaha.

Iska horimaadka dhexmaray guutada 444-ta iyo ciidamada gaarka ah, oo labaduba taageerayay dowladda ku meel gaarka ah ee Midnimada Qaran ayaa burburiyay bilo degganaansho ah oo ka jirtay Tripoli.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Fiqi: “Haddii Galmudug xabad ka bilaabato waxaa dhabarka u ridanaya Mr. Ma Nabad baa”

Caydiid Ali

Iran oo ku hanjabtay aargoosi kadib weerar lagu qaaday xarun Nukliyeerka lagu farsameeyo

Cabdi Cade

Deni oo deg deg ugu laabtay Garowe, soona saaray amar ka dhan ah shirka Mucaraadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---