Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ku amaanay Tina Intelmann doorkii shaqo ay Soomaaliya ka qabatay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann oo soo gabagabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee aan la leenahay Midowga Yurub. Isaga oo dhanka kale guul iyo nasiib wacan u rajeeyey Danjiraha.

Dhankeeda, Danjire Tiina Intelmann ayaa ka mahadcelisay sidii diiraneyd ee loola shaqeeyey muddadii ay gudanaysey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Related posts

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka oo Wareegtadii ugu horeysay soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

C/raxmaan Dheere oo ka hadlay Kursigii loo diiday in uu u tartano oo Xildhibaan Cusub loo doortay

Cabdi Cade

Xasan Sheekh oo Su’aal galiyay Cida ay yihiin Xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---