Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Digniin adag u dirtay Shacabka kunool Ceelbuur iyo Galhareeri

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Generaal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dadka shacabka ee ku harsan deegaannada ay ku harsan yihiin Al Shabaab ee bariga Galgaduud u diray digniinno culus oo ku aadan in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan kooxdaasi.

Generaal Caanood ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in mar kale dadka lagu baraarujiyo howlgallada halkaasi ka dhacaya, iyadoo ay dowladdu ka fekerayso bed-qabka shacabkeeda goobahaas ku nool, deegaannadaas oo cir iyo dhulba laga weerari doono.

Afhayeenka ayaa si gaar ah ugu digay dadka ku nool deegaannada laga xukumo Galhareeri iyo Ceelbuur, goobahaasi oo ay ka mid yihiin inta u dhexeysa Xiin-dheere, Garabla’ , Ceel Qooxle, Wabxo, Ceel Xarardheere, Dabagalo iyo Jacar, wuxuuna ku celiyay in ujeedkoodu yahay in waxyeellada laga badbaadiyo dadka iyo Xoolahooda.

Wuxuu sheegay Afhayeenku in goobihii horay loo duqeeayay ay ka ag dhow yihiin dad iyo xoolo, dagaalka iyo duqeyntuna ay sii socon doonaan illaa Al Shabaab laga nadiifiyo dalka oo dhan, wuxuuna shacabku ka codsaday mar kale in aysan fududeysan digniinta loo dirayo si loo beegsado cadowga oo keliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabhada TPLF oo wax lala yaabo ku tilmaantay baaq ka soo yeeray Midowga Afrika

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Muqdisho iyo khasaaraha oo sii kordhay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda Mareykanka oo digniintii ugu adkayd u diray Israa’iil xilli ay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---