Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Imaaraadka uga mahad-celiyay labo dhinac ay ka taageeraan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa isla soo qaaday arrimo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bini’aadanimada.

Dhankiisa, Danjire Al-Rumaithi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, iyo dadaalka ay ugu jirto kor u qaadidda dhaqaalaha, hufnaanta iyo la dagaallanka musuq-maasuqa, isaga oo xusay in dhankooda ay ka go’an tahay taageero dhinacyo kala duwan sida amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Related posts

Maraykanka oo dib u eegaya talaabadii uu ciidamadiisa ugala baxay Somalia

Caydiid Ali

DF oo War kasoo saartay Heshiiskii dhaxmaray Dowladda Itoobita iyo TPLF

Cabdi Cade

Dowladda oo Bangiga Adduunka kala hadashay arrimo badan oo Soomaaliya dan u ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---