Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo saakay Weerar culus ku qaaday goob Al Shabaab ku sugnaayeen iyo khasaaro…

Weerar qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogag dalka iyo ciidamada Mareykanka ayaa saakay lagu qaaday fariisin ay Al Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Galgaduud , gaar ahaan duleedka magaalada Galcad.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya laguna baahiyay telefishinka Qaranka ayaa lagu sheegay in weerarka ka dhacay meel qiyaastii 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in lagu dilay 5-xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo ku sugnaa deegaanka duqeynta lala beegsaday lana sheegay in Al Shabaab isku abaabulayeen.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay la beegsanayaan fariisimaha kooxda Al Shabaab, maalmo kahor ayaana duqeymo khasaaro geestay lagu garaacay xarumo Al Shabaab ku lahaayeen degmada Galhareeri.

Duqeyntan ayaa imaaneysa xilli uu socdo abaabulkii ugu dambeeyay howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro bariga gobolka Galgaduud ,gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ayatollah Khamenei oo ansixinaya Madaxwerynaha KMG ee Iran iyo Muddada uu xilka…

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya Masuul ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar siiyay Golaha Wasiirada iyo Hay’addaha dowlada (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---