Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta laga hir-geliyay qalabka xaadirinta ama suul-saarka ee lagu ogaanayo shaqaalaha waqtigii loogu tala galay shaqadooda soo xaadiraan iyo kuwa aan shaqeyn.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo saakay daah-furay barnaamijka xaadirinta shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in hadda kaddib lakala ogaan doono qofka shaqeeya iyo midka mushaar been ah iska qaata.
Yuusuf Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay in shaqaalaha uu siiyo xaquuqdooda waqtigii loogu tala galay, waxa uuna xusay in iyagana shaqaalaha laga rabo in ay shaqeeyaan waqtigii loogu tala galay.
”Waxaan saakay halkan u joognaa daah-furka suul-saarka xaadirinta shaqaalaha, wax badan ayaa farta la isku taag taagay, waa yimid iyo ma imaan , waa shaqeeyaa iyo ma shaqeeyo, balse saakay kala reebtadii ayaa la keenay, suul-saarkan ayaana lagu ogaan doonaa kan shaqeeya iyo midka iska maqan ” ayuu yiri Yuusuf Madaale.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qof kasta oo kamid ah shaqaalaha gobolka uu mushaarkiisa ku qaadan doono sida uu usoo xaadiray, waxa uuna tilmaamay in hadda kaddib aysan isku xaquuq noqon doonin kuwa shaqeeya iyo kuwa aan shaqeyn.
Qalabka xaadirinta ee suul-saarka ayaa horey looga hir-galiyay xarumo badan oo dowladda leedahay, waxaana qalabkan loogu tala galay in lagu kala saaro dadka shaqeeya iyo kuwa aan shaqeyn ee mushaarka iska qaata.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com