Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

G/Sare Shuute oo kashifay sababaha ay dilalku ugu soo bateen Muqdisho

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciiiamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka hadlay sababaha keenay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay.

Shuute waxaa uu sheegay in sababta ay dilalka u bateen ay tahay Ciidanka dowladda oo gabay shaqooyinkii loo diraty sida inay sameeyaan howlgallo.

Waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in Ciidanka xoogga dalka ay bilaabaan howlgallo si aysan Al-Shabaab ugu mashquulin laynta dadka Shacabka ah.

“Ciidamada waxay u baahan yihiin hogaamin iyo in la dagaal galiyo, balse looma baahna in Magaalada lagu dhex hayo, haddii Magaalada lagu dhex hayo falalka hadda socda ayaa imanaya” ayuu yiri Shuute.

G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowlada iyo talisyada ciidamada in la qaado howlgal milateri oo ka dhan ah al-shabaab.

“Gabar Fasalkeeda ku jirta oo jaamacad ku jirto, weliba diinta Islaamka baraneysa in la kor tagaa oo la dilaa fadhigeenaa keenay, Ciidan gaadiid wata oo Magaalada dhex jooga rasaas inay ku furaan baabuurka ka horeeya iyo midka ka dambeeya ciidanka Magaalada lagu dhex hayo ayaa sabab u ah.” ayuu yiri Shuute.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Fahad Yaasiin oo loo doortay Xildhibaan Xilli la hakiyay doorashada Kursigan (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo digniin ka soo saaray isticmaalka Maraakiibta ee Badda cas

Caydiid Ali

Milatariga Mareykanka oo ka hadlay Markab ay Gantaal ku weerareen Xuutiyiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---