Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa ku dheeraaday dagaalka dowladiisa la galeyso Al Shabaab iyo sida loo wajahayo.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Muqdisho uga soo guuray una yimid Dhuusomareeb sidii uu hoggaamin lahaa dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna rejo ka muujiyay in ay ku guuleysan doonaan Shabaabka ku harsan qeybo kamid ah Galmudug.
Waxa uu sheegay madaxweynaha in muddo aan fogeyn ka guuleesan doonaan Al Shabaab, waxa uuna ugu baaqay dadka ku sugan Galmudug gaar ahaan kuwa jooga deegaannada ay heestaan Al Shabaab in ciidanka soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay marka uu soo dhammaado howlgalka Al Shabaab looga xureynayo Galmdug in ku xijin doonaan deegaannada Koonfur Galbeed una guuri doono halkaasi, isagoona xusay in Koonfur Galbeed ku xijin doonaan Jubbaland.
Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin u diray ganacsatada iyo dadka kale ee Al Shabaab siiya dhaqaalaha, waxa uuna xusay in dadka maal-geliya Al Shabaab ay ku dhacdo cuqubo ayna noqdaan dadka lagu dilo qaraxyada ay lagu iibiyo lacagta ay bixiyaan.
“Shabaab ha iska siin dhaqaalahaaga adiga ayey kugu halaagayaan, dadka adiga ayaa ugu cuqubo badan, adiga ayey kuu hor-dilayaan, qaraxa ka wareeg kuma dhahayaan, meeqa Shabaab lacag sii jirtay ayey qarax ku dileen? Maanta gabagabo ayey joogaan ee maanku ha idiin soo laabto,” ayuu yiri Maxaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli la filayo in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka si rasmi ah u bilaabaan howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan Bari gobolka Galgaduud.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com