Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo xaalad deg deg ah la geliyay iyo howlo badan oo socday oo la hakiyay

Galmudug waxaa hadda ka socda abaabulkii ugu dambeeyay howlgalo balaaran oo lagu doonayo in looga saaro kooxda Al Shabaab oo wali maamusha deegaanno iyo degmooyin dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay ka hadlay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 17-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay Galmudug, ayaa sheegay in xaalad deg deg ah lagu soo rogay Galmudug.

Qoor Qoor ayaa sheegay in la hakiyay dhammaan howlihii caadiga ahaa ee maamulka u yaalay ,waxa uuna xusay wasiirrada iyo masuuliyiinta kale loo fasaxay in dagaalka Al Shabaab looga saarayo Galmudug qeyb ka noqdaan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa u sheegay dadka kunool deegaannada Al Shabaab heestaan in ay iska yareeyaan cabsida, waxa uuna xusay in uu hadda dhaw yahay nasriga ayna kusoo wajahan yihiin ciidanka qalabka sida oo ka xoreenaya Al Shabaab.

Waxa uu madaxweyne Qoor Qoor uga mahad-celiyay madaxweynaha Soomaaliya muhiimada uu siiyay in Al Shabaab laga xoreeyo Galmudug, waxa uuna dhankiisa xusay in diyaar u yihiin in Galmudug ka sifeeyaan Shabaabka wali ku harsan.

Howlgalka la doonayo in lagu xureeyo deegaannada Galmudug ee ku jira gacanta Al Shabaab ayaa waxaa hoggaaminaya madaxweyne Xasan Sheekh oo saldhigtay magaalada Dhuusomareebn , halkaas uu ka hoggaamin doono howlgalka xoreynta Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gudoomiye Cabdicasiis Duurow oo Xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Caado dhaqameedka shirta oo lagu qabtay degmada X/weyne ee gobolka Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

UK oo baaq u dirtay Muuse Biixi kaddib guuldaradii Somaliland kasoo gaartay Laascaanood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---