Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Ukraine oo shaacisay iney 15 dayuuradood ka soo riday Ruushka

Masuuliyiinta dalka Ukraine ayaa sheegay in duqayn dhinaca cirka ah uu Ruushku la beegsadeen dekeda ku taala koonfurta magaalada Odesa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan sadex qof.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in nidaamkooda difaaca cirku uu soo riday dhamman 15-kii diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn ee Ruushku uu u adeegsanayey weerarka dhinaca cirka ah, iyo sidoo kale gantaallo badda laga soo riday, hase ahaatee waxay sheegeen in burburka ka dhashay hubkaas la soo riday inay khasaare geysteen.

Hadhaaga hubka la burburiyey ayaa sababay dhaawaca saddex qof oo ku sugnaa meherad laga adeegto iyo goob ay degan yihiin arday.

Duqayn kale ayaa Ruushku Axaddii ka fuliyey gobolka Kherson, waxaana halkaas ku dhintay illaa toddoba qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 22 qof oo kale.

Related posts

Nin la weysanaa oo Meydkiisa laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Boqolaal Xujay Soomaali ah oo aan gudan acmaashii Xajka iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Magaalooyin kuyaala dalka Mareykanka oo Dab looga qaxayo (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---