Shir u socday muddo 2 maalin ah Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta laguĀ soo gebagabeeyey magaalada Muqdisho.
Kulankan ay yeesheen Waasirada Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta Canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo shirka soo xiray, ayaa sheegay intii uu shirkaan uu socday ay Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha mideynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqan gelintooda.
Shirkan Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraanĀ guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.
Ugu dambeynta, shirkaan ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxa aan ka soo qeyb ahayn oo aan ka saxiixa ku jirin Puntland, inkasta oo si ramsi loogu casuumay shirkaan.