Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka dooday ajende xasaasi ah (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 4-aad oo ajandihiisu ahaa dhagaysiga warbixinta Guddiga arrimaha Gudaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa ugu horrayn xubnaha Golaha la wadaagtay warbixintooda ku saabsan is-barbardhigga noocyada Federaalka, wadamada isticmaala, sababaha loo isticmaalo iyo muhiimaddiisa.

Intaas kadib Sanatarrada Aqalka Sare ayaa gudagalay dooda aragtidooda ku saabsan warbixinta Guddiga arrimaha Gudaha, iyaga oo soo bandhigay fikirkooda arrimaha Federaalka, kan ku habboon Soomaaliya iyo tallo iyo tusaalooyin kale oo muhiim ahaa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray, ayaa Sanatarrada iyo guddiga arrimaha gudaha uga mahad celiyay warbixinta iyo dooda miisaanka lahayd ee ay maanta Goluhu ka yeesheen arrimaha Federaalka, wuxuuna sheegay in la sii ambaqaado cilmi baarista arrimaha Federaalka, lana aruuriyo aragtida iyo talada Sanatarrada ay maanta dhiibteen, si loola wadaago Guddiyada qabyo tirka Dastuurka KMG ah gacanta ku haaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Wararkii u danbeeyay Dagaal ka dhacay Mudug & howlgal shaki dhaliyey oo ka socda Gedo

admin

Saameyn adag oo ka dhalatay go’aankii DF ku soo rogtay dayuuradaha taga Kismaayo

Caydiid Ali

Maxaa lagu daahfuray Munaasabada uu xalay Cali Guudlaawe ku qabtay Jowhar? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---