Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Dagaalka argagixisada haddii aan laga taxadarin waxaa ka dhalan kara..”

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxey dalka Soomaaliya geliyeen dagaal lagu soo afjarayo jabhadda xagjirka, waxaana gulufka colaadeed si wadajira uga wada qeybqaadanaya ciidanka dowladda, maleeshiyaad beeleed, iyo taakuleyn shisheeye oo dhanka cirka ah. La dagaalanka xagjiriinta ka soo horjeeda jiritaanka dowladnimada Soomaaliya ee ku dhisan xukunka dimoqaradiyada rayidka waa go’aan siyaasadeed oo lagu difaacayo masiirka ummadda iyo wanaaga guud ee maslaxada qiimaha madaxbanaanida dowladda, taas oo qasab waajiba ka dhigeysa in dalka dib looga xoreeyo jabhadda xagjirka oo sida sharcidaradaa qeybo ka mida dalka xukun cabsigelina ku maaamulaysa.

In kastoo la isku raacasan yahay in dagaal lala galo xagjiriinta mabda’oodu yahay argagax gelinta shacabka rayidka ah, ayaa haddana waxaa muhiim ah in istratajiyada lagu hawlgelayo si taxadar badan loogu tixgeliyo waxa imaaan kara burburka hagjiriinta kadib. Marka ay dhacdo in awood xoog badan oo waxyaabo badan caburineysa ay meesha ka baxdo, waxaa inta badan soo ifbaxda awoodo yar yar oo madaxa looga taagnaa, kuwaas oo ku soo muuqda tiro badan, shar ahaana ka halis badan halka awood oo isugu hayey caburintooda. Sidaas daradeed ayaa loogu baahan yahay in tixgelinta ciladahaas ay qeyb ka noqdaan istratejiyada dagaal ee lagu qaadayo awooda muuqata ee argagixisada iyo mida ka halista badan ee aan muuqan oo ku hoos qarsoon bartilmaameedka muuqda.

Dagaalkii 1977 marka la galay ayaa waxaa aad u leedatey istratejiyadii dagaal ee bilowga dagaalka lagu galay, waxaana khasaaro fara badan uu ka soo gaarey ciidankii jabhad ahaanta dagaalka loo geliyey, waxaase taaas ka halis badatay oo inaba aan ku jirin waxyaabaha lagu tixgeliyey istratejiyada dagaalka kadib markii caqabad aan la fileyn lagala kulmay Jabhaddii Xoreynta Soomaalida Galbeed oo ahayd maleeshiyaad beeleed oo ay dowladdu maalgelisay una abaabushey iney qeyb ka noqdaan dagaalka lagu xoreynayo Soomaalida Galbeed, waxaase fajac, filan waay, iyo argagax uu ka dhashay kadib markii dib loo hagaajiyey istratejiyada dagaalka oo xoogeeda lagu soo koobay ciidanka dowladda, taasoo dhalisay guulo deg deg ah iyo in la xoreeyo degaanadii ku teedsanaa xuduudaha gobolada dhexe, balse ay dhacday in maleeshiyaadkii jabhadda xoreynta ay dalbadaan iney maamulaan degmooyinka la xoreeyey oo uu dhiiga badan ku daatay, welina uu curdan yahay halganka lagu xoreynayo dhulka intiisa badan, taas oo kaliftay iska horimaad hoose oo waxyeelo gaarsiisey himiladii loo wada halgamayey.

Waxaa meelo badan dalka Soomaaliya ka soo ifbaxaya waxyaabo u muuqda in dib loogu noqonayo xukunadii hogaamiye kooxeedyada ee ka dhashay dagaaladii sokeeye. Waxaan shaki lahayn in dagaalka lala gelayo xagjiriinta uu salka ku hayo qaab u abaabulan dagaal sokeeye, taas oo ka turjumeysa in dagaalka u dhexeeya labada dhinac ay kawada qeyb gelayaaan beelo soomaaliyeed oo kala taageeraya labada dhinac, kuwaas oo dagaalka ka wada helaya hub fara badan oo gacmahooda soo wada gala oo markaas kadib marka ay meesha ka baxdo awooda xooga lagu muquuniyey in beelihii isku isirka ahaa ay awoodooda mideeyaan, halkaasna ay ka curtaan hogaamiye kooxeedyo awood badan ku dhex leh beelahooda, waxaana ififaalahaaas tusmo cid walba ugu filan muujinaya guusha macawisleyda Hiiraan iyo gudoomiyihii gobolka hiiraan oo u xuubsiibtey dagaalooge noqday hogaamiye kooxeed ka curtay gobolka Hiiraan.

Waxaa si isdabajooga dalka Soomaaaliya uga soo iftiimaya dib ugu noqoshada dagaaalo sokeeye oo ay ka curtaan hogaamiye kooxeedyo qabiil, waxaana saadaasha soo socota ka muuqata horudhaca ay ku soo baxayaan qabqableyaal horseed u ah dagaalada sokeeye ee soo socda. Waxaa loo baahan yahay in waxa soo socda looga cabir qaato waxa hadda sahankoodu soo muuqanayo. Jabhadda Gacan Libaax waxey yeelatay dagaalooge la magac baxay Oofwareen; jabhadda Laascaanood ka curatay waxey yeelatay dagaalooge dhaqameed la magac baxay Garad Jaamac Garad Cali; Garowe waxaa ka soo guuxaya jabhadda Aranjaan ee uu hogaaminayo Faroole; Hiiraan waxaa ka hanaqaaday dagaalooge Cali Jeyte Cusmaan; Muqdisho waxaa ka soo guuxaya Jabhadda Muuse Suudi Yalaxow oo hilow u qaba inuu dib ugu noqdo dagaal oognimadiisii.

Shaqsiyaadkaas kor ku xusan waxey saadaashoodu ka soo dhex baxday gobolo aysan maamuleyn jabhadda xagjirka, waxaana weli saadaasheedu ay dhiman tahay gobolada ay hadda ka taliyaan jabhadda xagjirka hogaamiye kooxeedyada ka soo ifbixi doona sida Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Jubba. Waxaan cidna shaki uga jirin marka ay meesha ka baxdo jabhadda xagjirka iney soo ifbaxayaaan koox diimeedyo fara badan sida maxaaakiimtii oo iyana doorkoodu noqonayo kuwo caqabad ku ah fikirka ay ku dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya oo caalamka la wadaaga dhaqan ku dhisan dowladnimo casriya oo kala qeybqaadata hirgelinta fikradaha cilmiga iyo teknoolajiyada cusub ee lagu hormarinayo dadka, dalka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxda dowladda Soomaaliya waxaaa la gudboon in dagaalka lagu soo afjarayo jabhadda xagjirka lagu tixgeliyo istratejiyada dagaalka doorka muhiimka ah oo ay ku leeyihiin wasaaradda Amniga, cadaaladda, iyo Arrimaha Gudaha, kuwaas oo inta uu socdo dagaalka ka hortegaya caqabadaha ka abuurmaya xaaladaha ka curta marxaladaha ay mareyso dagaalka sokeeye ee dalka lagu xoreynayo. Meelaha ay ka dhacaan dagaalada sokeeye ama ha ahaadaan kuwo lagu sugayo jiritaanka maaamul goboleed ama dowladda qaranka, waxaa waaajib ah in sida ugu dhaqsiyaha badan lala gaaaro maxkamado, saldhigyo booliis, maamul dhisid, hubka culus ka dhigis, ka hortegid curashada jabhado hubeysan, dhismo xabsiyo waaweyn, adeegyo dadweyne, dibuheshiisiin bulsho, ismaamulid madaxbanaan, iyo maleeshiyaadka oo miraha halganka wax laga siiyo, qeybo ka midana loo tababaro iney ka mid noqdaan ciidanka dowladda.

Dadku marka ay helaan maxkamad cadaalada oo u xaqsoorta, ciidan boolisa oo ilaaliya amnigooda, iyo maamul ay si madaxbanaaan u soo sameystaan, waxey taas meesha ka saareysa tabashooyinka ay qabaan shacabka oo la meelmariyey, taas oo ka fogeyneysaa inuu sii socdo dagaalka sokeeye iyo iney taladooda u dhiibtaan dagaalooge masiirka wanaaaga maslaxadooda ka tuura mugdi madow oo aayatiinka mustaqbalkoodu ku dambeeyo qasaara xun oo ay adag tahay in si sahlan looga soo kabto. Madaxda koox diimeedyada iyo hogaamiye kooxeedyada beelaha waxey awoodoodu xoogeysataa mark la galo xili kala guura oo si aan rasmi ahayn awooda si kmg loola kala wareego, taas oo haddii awooda guuleysatey aysan lahayn istratejiyad dhameystiran, shacabka ku abuureysa hubanti la’aan ay gabaad uga dhigtaan koox diimeedka beelahooda ama qabqableyaasha horboodaya maleeshiyaaadkooda hubeysan si ay naruuro uga dhigtaan difaaca awooda qabiilkooda ee uu hogaaminayo muftiga koox diimeedka qabiilkooda ama hogaamiye kooxeedka qabiilkooda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud 
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka Soomaaliyeed
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Yaa Soomaaliya uga qeyb galay Shirka Madaxda Afrika ee ka dhacay Kigali (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shacabka magaalada Muqdisho oo niyad jab xoogan lasoo darsay

Cabdi Cade

Daawo:- Ma Mudan yahay in Madaxwayne Farmaajo mar kale dib loo soo doorto (Fikirkaada ka dhiibo Qaybta Hoose)

admin
Taboola Ads ---