Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo gadoodsan oo xirtay wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay xirteen wadada dheer ee isku xira magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo

Gaadiidka xamuulka qaada oo u raran gobolada dhexe ee dalkam kana yimid dekeda Boosaaso ayaa ku xanniban kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug, halka qaar kale oo ku wajahan magaalada Boosaaso loo diiday inay ka gudbaan halkaas

Ciidamada jidgooyada dhigtay ee ka cabanaya mushahar la’aan soo socotay dhowr bilood, iyadoo Illaa hadda aysan jirin wax tallaabo ah oo uu maamulku qaaday.

Maalmo ka hor ciidamo kale oo gadoodsan ayaa kasoo baxay buuraha Golis ee gobolka Bari, halkaasoo ay kaga jireen difaac ka dhan ah Alshabaab, iyagoo ka cabanaya mushahar la’aan.

Ciidamo kale oo ka cabanayay mushaar la’aan ayaa sidoo kale maalmo ka sii horreeyay xirtay albaabka hore ee  dekeda Boosaaso inkastoo markii damb la xaliyey tabashadooda.

Maamulka Puntland ayaa bixin waayay bilihii la soo dhaafay mushaharka shaqaalaha ciidamada Puntland, iyadoo Madaxweyne Deni uu ku mashquulay olole uu ku doonayo inuu xukunka ku soo laabto maadaama muddo xileedkiisa shanta sano ahaa ay ka hartay afar bilood oo kaliya.

 

Related posts

Xabsi guri la galiyay Afhayeenkii Gobolka Banaadir iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Kheyre oo dadweyne badan kula hadlay Masjid kuyaala Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda oo ceyrisay Safiirkii Itoobiya ee joogay Muqdisho xirtayna qunsuliyadaha Garawe iyo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---