Allbanaadir.com
NEWS

SSC Khaatumo oo ka Warbixisay khasaaraha duqeyntii shalay ka dhacday Laascaanood

Maamulka SSC Khaatumo ayaa war ka soo saaray khasaaraha ka dhashay duqeyn shalay ciidamada Somaliland ka geysteen magaalada Laascaanood.

War ay soo saareen ayey ku sheegeen in ciidamada Somaliland ay duqeyn aan loo meel dayin ku garaaceen magaalada.

“Maleeshiyada Somaliland waxa ay saaka subixii hore ilaa iyo barqadii shalay duqeymo aan kala sooc lahayn ka wadeen magaalada Laascaanood, duqeymaha oo ay u adeegsanayeen hoobiyeyaal iyo madaafiicyada waaweyn waxay ku beegsadeen goobaha dadka rayidka ah, Isbitaalada iyo goobaha ganacsiga” ayaa lagu war ka soo baxay SSC.

Duqeymahaas waxay sababeen dhimashada lix qof oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay 19 kale, halka ay ku dumeen guryo iyo xarumo ganacsi sida lagu sheegay warka ay soo saartay SSC.

‘Hoggaanka SSC-Khaatumo waxay mar kale xaqiijinayaan inay difaaci doonaan shacabkooda, mar walbana diyaar u yihiin adkeynta nabadda iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay SSC.

Madaafiic teel teel ah ayaa ku soo dhacaysay gudaha magaalada, iyadoo Saddex qof ay ku dhinteen bakhaar magaalada ku yaala oo uu madfac ku dhacay, halka nin nabadoon caan ahaa, uu isna ku dhintay madfac ku hacsaday goob uu joogay.

Related posts

Dalalka Islaamka qaarkood iyo gobol ka mid ah Somalia oo maanta aan laga ciideynin

Caydiid Ali

Ciidamada TPLF oo la wareegay magaalo cusub kuna sii dhawaanaya magaalo kale

Cabdi Cade

Diyaarad Ku Dul Burburtay dhismo xafiis iyo Maalqabeen caan ah oo ku dhintay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---