Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynihii la riday ee Niger oo Maxkamad la soo taagayo & dembiyo culus oo..

Milateriga Niger ayaa sheegay inay maxkamadeyn doonaan Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum, iyadoo lagu ueedeynayo khiyaano qaran iyo inuu wax u dhimay amniga gudaha dalkaasi.

Afhayeen u hadlay millatariga Niger ayaa war qoraal ah oo laga sii daayey telefishinka dalkaai ku sheegay inĀ  eedaha loo heysto Bazoum ay yihiin kuwo la xiriira khiyaano qaran oo uu ka galay dadka iyo dalka.

Abdramane oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaleeceeyay cunaqabataynta la saaray dalkiisa, isaga oo sheegay in talaabooyinka ay qaadeen dalalka Galbeedka Afrika ay dadka ku adkeyn doonto inay helaan dawooyin, cunto iyo koronto.

Ururka Galbeedka Afrika ayaa ansixiyay in dalka Niger loo diro ciidan heegan u ah soo celinta madaxweyne Bazoum iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalkaasi, waxaana warku intaa raaciyay in dalalka Galbeedka Afrika ay weli ka goā€™an tahay in xal diblumaasiyadeed loo helo xiisadda ka taagan Niger.

Madaxweyne Bazoum oo 63 jir ah iyo qoyskiisa ayaa lagu hayaa guriga rasmiga ah ee madaxtooyada oo ku yaalla caasimadda Niamey tan iyo afgambigii dhacay 26-kii July.

 

Related posts

Cumar Filish oo ku dhawaaqay go’aan cusub & Mungaab oo ka hadlay xaqiiqada Xamar taalla

admin

Sawiro ay Wada galeen Ra’isul Wasaare Rooble iyo Yaasiin Farey oo hadal heyn abuuray

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---