Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda maalintii labaad kulan ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha xeerka mideynta Canshuuraha, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta oo dhawaan la filayo in la soo gaba-gabeeyo.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Janaqoow iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar C. Xaange ayaa si rasmi ah u furay shirka.
Wasiirka oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu muhiim u yahay shirkaan arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta hannaanka canshuuraha, dhammaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.
Shirkan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Saaxiibada caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed.
Shirkan ayaa waxa ka maqan oo aan ka qeybgalayn Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya DF iyo Maamulkaas, inkasta oo si rasmi ah loogu casuumay shirkan sida ay sheegtay Wasaarada Maaliyada Somalia