Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo War cusub ka soo saaray qabashadii Ruun Nirgood

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku xoreeyeen Degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada sida Hilowle gaab iyo Ceelbacad

Madaxweynaha ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee shacabka Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada ka dulqaaday wax uu ugu yeeray cadowgii ku habsaday mudada dheer.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in wajiga labaad ee howlgalka lagu xoreeyn doono dhamaan deegaanada dhaca Galbeedka Wabiga ee Dowladda Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad ay saarnaayeen 176-qof oo ku bur burtay magaalada Tehran (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Deni oo go’aano deg deg ah ka soo saaray diidmada Shilinka ee degaanada Puntland

Caydiid Ali

Muran cusub oo ka dhashay xil ka xayuubintii lagu sameeyey Taliye C/xakiin Yuusuf Xuseen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---