Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska XDS oo digniin kama dambeys ah u diray shacabka Ceelbuur & Galhareeri

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga  Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa digniin u diray shacabka ku dhaqan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Caanood ayaa ugu baaqay shacabka labadaas degmo iney isaga baxaan, si aysan waxyeelo uga soo gaarin duulaanka ciidamada DF oo uu xusay inuu saacadaha soo socda bilaaban doono.

Waxaa uu sheegay in kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada DF ay haatan dul hoganayaan labadaas degmo iyo degaanada hoos yimaada, ayna diyaar u yihiin iney qaadaan weerar daqiiqad kasta oo amar la siiyo.

Dhinaca kale Jen Caanood ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo ciidamada dowladda ay ka fuliyeen degaanno katirsan Gobolada Shabeellaha Hoose, Sh/DFhexe iyo Galmudug.

Generaal Caanood ayaa sheegay in howlgallo lagu sifeynayo al-shabaab ay ka dhaceen degaanno hoos tago Ruun-nirgood, Hilowle Gaab iyo degaanno kale, isagoo intaa raaciyay in dhulka keymaha ah laga saaray Al-Shabaab, isla marekaana ay gacanta ku hayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwaa degaanka.

“Waxaa socda howlgal ka gaar ah kan ciidanka dhulka, waxaana  la beegsanayaa goobaha ay khawaarijtu ku diyaarisay Qaraxyada sida barahooda Hoggaaminta, waxaana dhowaan lagu guuleystay howlgallo laga fuliyay  degaanka Buulo-fulay oo Bay ka tirsan iyo Galhareeri, iyadoo halkaasi lagu baabi’yay waxyabaha qarxa oo ay halkaas ku diyaarinayeen” ayuu yiri Afhayeenka

Afhayeenka ayaa  ugu baaqay shacabka in ay ka fogaadaan goobaha la tuhunsan yahay in ay joogaaan al-shabaab

 

 

Related posts

Kenya oo dalkeeda ka mamnuuceysa 66-qof ay ku jiraan Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin caan ah

Cabdi Cade

Meydka wiil dhalinyaro ah oo saaka lagu arkay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Cabsidii laga qabay iney burburto Xabad joojinta Gaza oo la xaliyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---