Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Xogta kulan dhexmaray Deni iyo La taliyaha dowlada Mareykanka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe maanta ku qaabilay La-taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mudane Xamse Warfaa oo booqasho ku tagay Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Deni ayaa masuulkan warbixin ka siiyey xaalada guud ee Puntland gaar ahaan dhinacyada, dhaqaalaha, amniga, siyaasada, doorashooyinka iyo arrimaha bulshada.

Xamse Warfaa ayaa ku amaanay maamulka Puntland amaanka iyo horumarka ballaaran ee ka jira degaanada hoos taga.

Waxaa uu xusay in dowlada Mareykanku ay mar walba garab taagan tahay fiiro gaar ahna u leedahay taageerada degaanada nabdoon ee Somalia, isagoo dhinaca kale ka mahad celiyey sida diiran ee loo dhoweeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Saciid Deni oo gudoomiyey shirkii ugu horeeyey Golaha wasiirada Puntland

Caydiid Ali

Jubbaland oo 48 saac u qabatay ciidanka DF ee Raaskamboni

Caydiid Ali

Ilhan Cumar oo Jawaab adag siisay Madaxweyne Donald Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---