Allbanaadir.com
NEWS

Agaasimihii Madaxtooyada oo si rasmi ah u shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in uu iska casilay xilka agaasimaha madaxtooyada uu hayay muddo sannad ka badan.

Qoraal uu soo saaray agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud ayuu ku sheegay in maanta si rasmi ah uga tagay shaqadii agaasimaha, waxa uuna cadeeyay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxa aan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in aan si rasmi ah isaga casilay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aan haayay laga soo billaabo 23 May, 2022, waxaa aan uga tagey xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu igu xoogeystay dareen i weheshaday oo ah xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo markii aan in badan dhageystay tallooyinka shacab iyo siyaasiin badan gaar ahaan kuwa deegaanka, garowsadayna in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed.” ayuu yiri Xuseen Sheekh,

Dhanka kale Agaasimiha Villa Somalia ee xilka iska casilay ayaa sheegay in uu sii wadi doona dadaalada aan kala go’ lahay ee dowlad dhiska kaas uu wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in uu ka shaqeyn doona sidii bulshada koonfur galbeed y heli lahaayeen is-beddel.

“Ugu dambeyn waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed inay garab igu siiyaan xaqiijinta himilooyinkaas aniga oo Alle hortiis ballanqaadaya in aan hormuud ka noqon doono sidii reer Koonfur Galbeed ku heli lahaayeen hoggaamin leh sinnaan, caddaalad, karti iyo ammaano dhinac kasta ah,” ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalka warsaxaafadeedka uu isku casilay Agaasime Xuseen Sheekh.

Siyaasigan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa warar soo baxayay sheegayeen in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ninkan la sheegay in Villa Soomaaliya la dooneyso xilka qabashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Garyaqaan Soomaali Caan ah oo laga mamnuucay maxkamadda sare ee dalka Kenya

Cabdi Cade

Muxuu yahay shirka uu Wasiir Fiqi kaga qeyb galayo dalka Baxreyn? (Sawirro)

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo ka hadlay Dagaalka Ukraine iyo Ruushka Hanjabaadna u diray Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---