Sida lagasoo xigtay warbaahinta dalka Kenya, argagax ayaa ka dhashay tuulada Ndaragu oo ka tirsan degmada Njoro ee ismaamulka Nakuru ka dib markii haweeney da’ dhexaad ah oo xanuunsanayd ay mantagtay jiir bakhtiyey.
Hooyadan dhashay afar carruur ah oo xanuunsanaysay in ka badan toddobaad, ayaa sheegtay inay dareentay xasilooni darro saqdii dhexe ee habeenimo oo ay bilowday in ay ay matagto.
Waxay tiri 3-dii aroornimo, ayaan dareemay wax adag oo dhuunta ii taagan waxayna bilowday in ay mantagto uuna xoog ugasoo dhoco, balse markii ay shidday tooshkeedii, ayey baaldigii ay ku mantagaysay ku aragtay dooliga baakhtiyey.
Iyagoo warbaahinta kula hadlay guriga haweeneyda, ayey dadka deegaanka oo ay horkacayaan aabaheed iyo odayga tuulada ayaa sheegay in uu jiro qof ay si cad isu khilaafeen haweeneyda, loogana shakisan yahay inuu ka dambeeyay dhacdadan yaabka leh.
Dhacdadaan ka dib, haweeneyda ayaa dib ugu laabatay hurdada, iyadoo dadka deegaanku ay saaka ku soo qulqulayeen tuulada, ka dib markii aabaheed uu warkaas u sheegay dadka deriska ah.