Haweeney UK u dhalatay ayaa muddo gaaban caan iyo la-raadsade ku noqotay kaddib markii la ogaaday in saddex fac ku dhawaad oo Dawaco ah ay quudinaysay muddo 25 sannadood ah.
Sharon Hughes waxay dawacooyinkan kusoo dhawayn jirtay xaafaddeeda East Kilbride ee koofurta Lanarkshire rubuc-qarnigii lasoo dhaafay. Laakiin casriga maanta oo aaladaha la adeegsado sida TikTok iyo Instagram ay dunida ugu faafeen si guud, hadda waxaa si maalinle ah loola socdaa howsheeda samafalka oo ah inay quudiso Dawacooyinka gurigeeda yimaada. Muuqaal aad u hadalheyn batay – oo la arkayay iyada oo Dawaco u tuuraysa hilib – ayaa aad u qabsaday baraha bulshada. Waxaana taniyo markaas sheekadeeda maalinlaha ah ku tixmay malaayiin qofood oo dunida dacalladeeda ku kala nool.
Qisada sheekadeeda oo soo bilaabatay 25 sannadood kahor waxay hadda u muuqataa mid sida dabkii oo kale ugu dhex faafaysa baraha lagu xiriiro ee bulshada. Dawacooyinka ayaa laftooda waxay joogto si maalinle ah usoo booqdaan gurigeeda si ay uga helaan geshiinkooda maalintaas.
Qaarkood ayaase mararka qaar la arkin siiba marka ay ku jiraan xilliga uurka oo ay shin tirsanayaan ama isu-taggu dhex marayo