Waxaa maanta duqeyn lala beegsaday Saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay gobolka Baay, gaar ahaan deegaanka Buula Fulay ee hoostaga degmada Buurhakaba
Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaalida.
Wasiirka amiga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir ayaa sheegay in Hawlaglkan uu ahaa mid lagu beegsanayay Xarumahaal-shabaab lagana fuliyay sadex Xarumood oo ay ku sugnayd.
“Hawlgalka koowaad waxa uu ka dhacay goob isbaaro ay u taalay Khawaarijta afaafka hore ee Magaalada laga galo, kan labaad waxaa uu ka dhacay Garaash ay Khawaarijtu ku aruurinaysay Qaraxyo kuwaasoo goobta lagu burburiyay.kan sadexaad waxaa lagu beegsaday Goob Khawaarijta ku ahayd Xafiisyo Maamul oo ay ku sugnaayeen Koox horjoogayaal ah” ayuu yiri wasiirka
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in hawlgaladaas lagu dilay qiyaastii 23 ka tirsan al-shabaab oo ay ku jiraan labo sarkaal.
“Hawlwalgaan waxa uu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah kuwaas oo si xirfadaysan ay isaga kaashanayaan Ciidanka Qaranka isla markaana lagu beegsanayo Hubka, Saanad iyo isku socodka Khawaarijta” ayuu yiri Wasiirka