Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabhada Gacan libaax oo War cusub ka soo saartay dagaalkii dhacay shalay

Afhayeen u hadlay Jabhadda Gacan Libaax ayaa ka hadlay dagaalkii ay shalay la galeen ciidamada Somaliland oo ay sheegeen iney khasaare xoogan u geysteen.

Afhayeenkan oo magaciisa lagu soo koobay Mujaahid  Oofwareen ayaa beeniyay hadalkii ka kasoo baxday Maamulka Somaliland, wuxuuna xusay in la soo weeraray, iyaguna ay iska difaaceen

Waxaa uu tilmaamay in dagaalkaas ay ku dileen 25 askari, kuna dhaawaceen 30 kale, taasoo ka duwan khasaaraha ay shaacisay Somaliland oo ah geerida 9 askari iyo dhaawaca 17 kale.

Oofwareen ayaa wax lala yaabo ku sifeeyey sababta ay Somaliland u qarisay khasaaraha ka soo gaaray dagaalkii shalay iyo jabkii loo geystay.

Waxaa uu xusay ineysan wax wadahadal ah la galaynin Maamulka Muuse Biixi, ayna sii wadayaan dagaalka.

Waxaa soo baxaya baaqyada ku aadan in hab nabadeed lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo jabhadda hubeysan ee ku sugan buurta Gacan Libaax. Baaqyadan ayaa imanaya iyadoo shalay uu dagaal dhexmaray labada dhinac kaasi oo ay ku dhinteen sagaal askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in halkii laga sugayay in wadahadal lala furo dadka Laascaanood, ay nasiib-darro tahay in maanta gudaha Somaliland dagaal ka dhaco.

Related posts

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in dhulka Falastiin la geeyo ciidamo hubeysan oo….

Cabdi Cade

Jidadka Magaalada Beladweyne ee maanta la xiray & dad Xabsiga lagu guray

Caydiid Ali

James Swan iyo Xubno kale oo gaaray Kismaayo iyo kulamo Xasaasi ah oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---