Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu feeryahan Khabib Nurmagomedov u diiday inuu tababar Elon Musk?

Khabib Nurmagomedov oo ah feeryahan caalami ah oo u dhashay dalka Ruushka ayaa ku gacan seyray codsi ugu yimid Elon Musk oo ah maalqabeenka leh shirkadda X (Twitter).

Elon Musk oo hadda kaalinta koobaad kaga jira maalqabeenada dunida ayaa tartan feer u ballansaday milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg.

Labada maalqabeen ayaa waxaa ka dhexeeya xifiltan xooggan oo dhanka tiknoolajiyadda ah, waxayna taas horseeday inay isu ballansadaan tartan feer.

Khabib ayaa diiday codsiga uga yimid Elon Musk sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Ruushka, TASS.

“Elon Musk waxa uu doonayay in Khabib Nurmagomedov uu ka caawiyo isu diyaarinta feerka uu la ciyaari rabo Mark Zuckerberg. Hase yeeshee Khabib waa uu diiday codsigaas” ayay sheegtay wakaaladda.

Khabib Nurmagomedov ma sheegin sababta uu ku diiday inuu tababaro maalqabeenkan caanka ah.

Related posts

Ciidamada Israa’iil oo dilay haweeney Mareykanka ah iyo cambaareyn loo jeediyay

Cabdi Cade

(Sawirro) Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo maanta dood kulul yeeshay

Caydiid Ali

Ujeedka kulan xasaasi ah oo Wasiirka Difaaca DF la yeeshay Catriona Laing (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---