Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Deni oo daahfuray Mashruuc ka farxiyey shacabka Magaalada Qardho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Mashruuca Xalka Waara ee Fatahaada iyo daadadka kusoo rogmada Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Masuuliyiinta iyo Injineerada ku shaqo leh Mashruucan ayaa munaasabadda kusoo bandhigay sida loo maareynayo daadka kusoo rogmada magaalada oo ah Hab xal waara ah.

Madaxweynaha ayaa muhiimad gaar ah siiyey Sidii xal waara loogu heli lahaa daadka joogtada ugu soo rogmada Qardho xili roobaadka.

Wuxuu ugu baaqay dhammaan Bulshada Degmada inay kala shaqeeyaan Dowladda dadaalka dowladnimo gaar ahaan Masuuliyiinta howlahan gacanta ku haya in lagu taageero wixii soojeedin iyo farsamo shaqo ah ee qeybta ka ah qorshaha la soo bandhigay.

Mashruucan ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyey shacabka magaalada Qardho oo dhibaato ku qabay daadadka roobabka oo khasaare badan ka geysta magaaladaas.

Sanadkii 2020 ayaa biyo xoog badan magaalada ku soo rogmadeen kuwaasoo geystey khasaaro baaxad leh, tan iyo sanadkaas laba jeer oo kale ayaa biyo ka yar kuwii hore ku soo rogmadeen kuwaas oo geystey khasaarooyin kale.

Soomaaliya oo dhan ayaa xiligaas looga soo gurmadey magaalada Qardho, waxaana ilaa hadda u yaala lacag badan oo aan waxba looga qaban biyaha magaalada ku soo rogmada. Madaxweynaha ayaa hadda wada qorshihii biyaha looga maareyn lahaa magaalada, waxay wararku sheegayaan in biyaha marin loo baneyn doono oo la dumin doono qaar kamid ah guryaha ku yaala biyo mareenka.

Magaalada oo aad u dhisantey 15 kii sano ee u danbeeyey ayaa sababtey in la dhisto waddooyinkii biyuhu mari jireen, maadaama magaalada ay ku taalo dooxo biya mareen ah.

Related posts

Daroogo lagu qiimeeyey “$14 Milyan” oo lagu qabtay garoonka Addis ababa (Sawirro)

Caydiid Ali

Gantaal lagu riday magaalada Riyadh oo hawada lagu bur buriyay 

admin

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo Xukun dil ah ku riday Gacan ku dhiigle

Cabdi Cade