Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo shaaciyay hal arrin oo ka go’ay xukuumadiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in bahda waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, isla markaana ka soo dhalaalay kaalin muhiim ah oo bannaaneyd.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad lagu soo xirayey tartan aqooneedka Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey dugsiyadii tartanka ka qeyb galay ee muujiyey dadaalka dheeriga ah, soona bandhigay aqoontooda iyo wajiga aqooneed ee qurxoon ee dalkeennu uu leeyahay.

Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in loo tartamo waxbarashada, shaqada iyo siyaasadda, si meesha looga saaro in qofku uu danihiisa ku gaaro musuq-maasuqa iyo qabyaalad.

Tartanka oo ay ka qeyb qaateen 1,500 oo arday oo ka socotay Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maamulka Gobolka Banaadir, Macallimiin, waaliddiin, dadweyne iyo arday ka socotay dugsiyadii tartanka ka qeyb qaatay.

Related posts

Dalkii 3-aad caalamka oo laga helay nooca cusub ee Viruska Coronavirus

Caydiid Ali

War Saxaafadeed laga soo saaray Khilaafka Dowlada Dhaxe iyo Maamul goboleedyada (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo si wadajir ah ula kulmay Donald Yamamoto (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---