Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Jabhada beeshiisa iyo Ciidamada Somaliland

Gobolka Saaxil gaar ahaan buurta Gacan Libaax waxaa ka dhacay dagaalo khasaaro badan dhaliyay oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo jabhad hubeysan oo kasoo jeeda beesha Garxajis Isaaq.

Weerar gaadmo ah oo shalay jabhada ku qaadeen ciidamo katirsan booliiska maamulka Somaliland ayey ku dileen sagaal askari, halka ay ku dhaawaceen 17-askari oo kale oo qaarkood gaareen dhaawacyo culus.

Musharraxa Madaxweynaha Somaliland ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay dagaalka askarta badan lagu dilay, waxa uuna ku baaqay in xalka lagu raadiyo wadahadal.

Cirro ayaa ugu baaqay jabhada hubeysan ee kasoo jeeda beeshiisa in ay hubka dhigaan oo nabadda qaataan, waxa uu dhinaca kale ugu baaqay maamulka madaxweyne Biixi in ciidanka ka dulqaadaan deegaannada jabhadu joogto wadahadalna la furo.

“Annagu waanu ka soo horjeednaa, mana taageersanin in xalku noqdo xabad, xoog iyo is muquunin … waxan ugu baaqayaa in madaxweynuhuna ciidankiisa ka qaado, shacbiga hubaysana waxan ugu baaqayaa in ay qoryaha dhulka dhigaa” ayuu yiri Cirro.

Musharax madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale iska fogeeyay eedeyn uga timid wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ku aadan in jabhada abaabulay, waxa uuna xusay in kursiga uu raadinayo in uu kala qiimo weyn yahay hal qof oo dhiigiisa daato.

Jabhada hubeysan ee ku sugan buurta Gacan Libaax ayaa kasoo horjeeda hab maamulka madaxweyne Muuse Biixi gaar ahaan muddo kororsiga uu sameestay iyo sidoo kale habka loo maamulayo doorashada xisbiyada iyo tan madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag dhibaato ka geesanayay xaafado katirsan Muqdisho oo la qabtay

Cabdi Cade

Dagaalka ka socda Tigrey oo marxalad kale oo halis ah galay iyo Amxaaro oo Hanjabtay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Ing. Yariisow oo wareejiyey dhul Turkigu ka dhisayo xarun tababar oo casri ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---